War DEG DEG:-Nin Odey ahaa oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Nin Odey ahaa.

Dilkaa ayaa ka dhacay Suuqa Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir waxaana ninka odeyga ahaa ee la dilay uu iibin jirey dharka loo yaqaan (Carwo Istaaga).

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal halkaas ku sugnaa, kooxaha hubeysnaa ayaa dhowr Xabadood la dhacay Ninka odeyga ahaa waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dhanka kale Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa wada baaritaan la xiriira kooxdii dilka geysatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here