Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Urdugan Ex Digfeer ee Magaaladda Muqdisho oo galabta la dhaawacay.
Dr. Cabdixaliim oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer), isla markaana qaabilsan caruurta ayaa lagu dhaawacay agagaarka Maqaayada Beder oo ku dhow Isgoyska Zoope ee Magaaladda Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal Dhaaawaca Dr. Xaliim Maxamuud ayaa ka dhashay rasaas ay wadadda ku furanayeen ciidamada dowladda ka dib markii ay gaadiid badan isku xireen.
Dhaawaca Dr Xaliim ayaa loo qaaday Isbitaalka Digfeer waxaana la sheegay in lagu sameeyay Qaliin Guuleystay Madaama ay Xabadda ka gashay Garabka.
Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay mudooyinkii dambe caadeysteen in rasaas bareer ah wadooyinka ku furtaan taasi oo sababta dhimashadda iyo dhaawaca dadka shacabka.

