Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka Ala Ha u Naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay Magaaladda Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay Warbaahinta Andulus ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ciidanankooda ka Tirsan ay xildhibaanka ku khaarijeen Xaafadd kamid ah Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Shabaab waxa ay Sheegeen in ragii fuliyay weerarka ay Si Nabadd ah goobta kaga baxsadeen.
Sidoo kale Xarakadda Shabaab waxa ay sheegeen in ay beegsan doonaan Xildhibaanadda ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kadib dilkii Boqorre.
Xildhibaan Boqore ayaa horay u soo noqday gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaankii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud isagoo sidoo kale dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

