Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay rasaas uu furay goordhaweyd askari ka Tirsan Ciidamadda booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Falkaan ayaa ka dhacay isgoyska Taleex Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Maqaayad shaax lagu cabayay.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askari ayaa doonayay in uu joojiyo gaari kuwa Raaxadda ah oo doonayay in si xoog ah wadada oo xiran ku maro.
Rasaasta uu askariga furay waxaa ku dhawaacantay Haweeney shaax ku iibinaysay Maqaayada ku taala Isgoyska Taleex,waxaana loo qaaday Goobaha Caafimaadka Magaaladda Muqdisho.
Arintaan ayaa imaanaysa xili inta badan Wadooyinka Mahaaladda Muqdisho ay maanta xiran yihiin.
Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe dhaawaca iyo Dilalka Shacabka magaaladda Muqdisho.

