Al-shabaab oo Muqdisho Ku Dilay Maxamed Mursal

0

Xarakadda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka ku-xigeenkii xeer ilaaliyaha Qaranka Dowladda Soomaaliya oo maanta lagu dilay Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay shabaab oo lagu baahiyay warbaahintooda ayaa lagu sheeegay in ragg ka tirsanaa ciidankooda ay beegsadeen Maxamed Mursal xili uu ku sugnaa Xaafadda Siigaale ee Degmadda Hodan.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal katirsanaa Dowladda gaar ahaan waxa loogu yeero xeer ilaalinta, Alle ayaa ku mahadsan mujaahidiinta ufududeeyay beegsiga cadowga” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in Maxamed Mursal uu ku dhawaa guddoomiyaha xeer ilaaliyaha iyo wasiirka cadaaladda dowladda Federaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here