Cabdiqani Siciid Carab:- Al-shabaab Haka Soo Qeyb Qaataan Ciyaaraha Kubada Cagta Dalka

0

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta mudane Cabdiqani Siciid Carab oo wareysi siiyay Bbc-da laanteeda afka ingiiriska ayaa sheegay in xiriirka Kubada  cagta soomaliyeed ay soo dhaweynayaan in xarakada al-shabaab ay kusoo biiraan kooxaha ka qeyb qaadanaya ciyaaraha Kubada cagta Soomaliya,

Mudane Cabdiqani Siciid Carab waxa uu sheegay in ciyaaraha Kubada cagta soomaliya ay xiligaan yihiin kuwa dib ugu usoo laabanaya awoodii iyo xiisihii ay lahaayeen wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada ka Tirsan  Xarakada al-shabaab kusoo biirista naadiyada ka ciyaara Horyaalka heerarkiisa kala duwan. Sida seria B Sarei A IYO Seria C

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Soomaliyeed in al-shabaab aysan iyaga kasoo horjeedin al-shabaabna aysan kasoo horjeedin xiriirka kubada cagta Taasi badalkeeda ay mar walba kusoo dhaweynayaa kusoo biirista horyaalka kubada Cagta Soomaliya ,

Xarakada Al-shabaab ayaa dagaalo kala soo horjeeda ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cabdiqani Siciid Carab ayaa lagu Tilmaamay mid aan al-shabaab u cuntamin

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here