Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussein Obama ayaa Stephen Schwartz usoo magcaabay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya kadib war kasoo baxay Xafiiskiisa.
Mudane Stephen Schwartz, oo u dhashtay dalka Meraykanka ayaa muddo ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda dowlada Mareykanka isagoona kasoo Howlgalay dalalka kala ah Australia, New Zealand, iyo jasiiradaha Pacific-ga.
Safiirka cusub ee dowlada Mareykanka usoo magac-day dalka Soomaliya ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya xili safiirkii isaga ka horeeyay uu xilka iska casilay ka hor inta uusan soomaliya soo gaarin.

