Xildhibaano cambaareeyay go’aan Ganacsade Ajnabi ah loogu xiray dhoofinta Xoolaha

0
Ku dhawaad ​​100 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay go’aan Ganacsade Ajnabi ah loogu xiray dhoofinta Xoolaha.

Xildhibaanada ayaa ku andacoonaya eedna ujeediyay in Madaxweynaha uu xuquuq gaar ah siiyay Ganacsade Ajnabi ah, isagoo si hufan u dhinac maray ganacsatadii Soomaaliyeed ee taariikhda ku lahaan jirtay warshadaha iyo dhoofinta xoolaha nool.

Bayaanka xildhibaanadaan ay soo saaren waxa ay ku yiraahdeen “Waxaanu si adag u cambaaraynaynaa go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu xiray gacansade shisheeye oo lagu magacaabo Abu-Yasir dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed, ninkaas oo ah nin ajnabiga ah, oo taariikh madow ku leh gudaha Soomaaliya, ganacsato badan oo Soomaaliyeedna hore u dhacay deggana dalka Jabouti”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here