Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay faragelin Itoobiya ay ka wado gudaha dalka

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareyay talaabooyin uu tilmaamay iney ka hor imaanayaan Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya oo ay Itoobiya ka wado gudaha dalka.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay iney si dhaw ula socdaan talaabooyinka guracan oo ay Itoobiya ka wado gudaha dalka, islamarkaana ay ku dooneyso iney dhibaato uga dhex abuurto dadka Soomaaliyeed.

“Sida lala socda Itoobiya waxay Hub si sharci darro ah ugu soo galisay deegaano ka tirsan dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle, iyadoo u jeedkeedu yahay iney maleeshiyaadkaas ay u adeegsato danaheeda ah dhul balaariga” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Alcadaala in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto talaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso amniga dalka, islamarkaanaa ay uga hortageyso duulaanka kasta oo ka yimaada dhinaca dowlada Itoobiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here