Waxaa laba sano maanta laga jooga markuu dhacay qaraxii Zoobe 2 kaasi oo ay ku dhinteen dadka badan,kuwana ay ku dhaawacmeen, hanti badana ku burburtay.
Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Hay’adda SODMA ayaa maanta muqdisho ku qabtay musaasabad xariga loogu jarayay xarunta ugu weyn ee daryeelka dhaawacyada u baahan Gurmadka deg-deg ah oo Guddiga gurmadka qaran ay Magaaladda Muqdisho ka dhiseen.
Munasabadda Xarig jarka Xarunta dhaawacyada iyo Xaaladaha deg degga ah oo lagu qabtay isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mu’uuliyiinta Guddiga Gurmadka qaran,waxaana halkaas lagu soo bandhigay shaqadii la qabtay iyo sidii loo garab istaagay dadkii waxyeeladda ay soo gaartay laba sano ka hor.
Guddiga Gurmad Qaran ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed lacagihii laga soo aruuriyay lagu garab istaagay dadkii ku Agoontoobay, kuwii ku dhaawacmay iyo kuwii hantida kaga baa’ba’day qaraxii Zoobe 2.
Sidoo kale Guddiga Gurmad Qaran ayaa sheegay in taakulada lacagtii kasoo hartay lagu dhisay xarunta dhaawacyada iyo Xaaladaha deg deg ah oo markiiba qaabili karto 200 qof oo xalada deg deg ah ku jiro,taasi oo laga hirgaliyay isbitaalka madiina ee Magaaladda Muqdisho.
Xaruntaan ayay guddiga sheegeen in ay tahay xaruntii ugu weyneyd ee laga hirgaliyo dalka burburkii kadib,islamarkaana buuxin karta baahiyaha xiliyadda xaaladaha deg deg ah ka dhacaan.
Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Hay’adda SODMA ayaa waqti badan galiyay in la garab istaago shacabka Soomaaliyeed ay waxyeeladda kasoo gaartay dhibaatooyinka dalka ka dhaca.










