Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo weli ku guda jira la kulanka madaxda Soomaalida ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya, qorshayaasha socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo u diyaar garowga shirka golaha wadatashiga qaran ee dhowaan furmaya.
Booqashadan ayaa daba socota wadahadal horey u dhexmaray Swan iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya (DFS), kuwaas oo ku saabsanaa natiijo la’aantii uu kusoo dhammaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.
James ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo xiriirka ee u dhexeeya Madaxweyne Madoobe, DFS, iyo madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada (FMS), si wax ku ool ah loo xalliyo arrimaha dib-u-dhaca ee Golaha Wadatashiga Qaran iyo midnimada dalka.

