Dagaal qaraar oo shalay ka dhacay Galbeedka Sitti ayaa sababay in ciidamada Canfarta lagala wareego Saldhigyada Madax-Riyaad, Godiraay iyo fadhiisimo kale oo muhiim u ahaa Ciidanka Canfarta
Saldhiga Madax-Riyaad ayaa ahaa Saldhiga Ciidanka canfartu ay ka difaacaan Magaalada Garbociise oo Canfarta gacanta ugu jirta.
Sidoo kale Ciidamada Liyuu Booliska Deegaanka Soomaalida iyo Shacabka Galbeedka Sitti oo is kaashanaya ayaa dib gacanta ugu dhigay dhulka Daymeed iyo Dhuunyar oo muddooyinkii dambe Canfartu gacanta ku haysay.
Qabsashada saldhigyada waaweyn ee Canfarta ayaa hadda sababtay in Garbo Ciise qarka loo soo istaago lana filayo in Soomaalidu ay dhakhso ula wareegaan.

