Dabley hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabo abdirisaaq cabdulahi.
Rag ku hubeysnaa qoryo iyo bistoolado isla markaasi watay dareeska ciidanka dowlada ayaa beegsaday ninkan, xilli uu ku sugnaa xafadiisa uu ku taal degmada hilwaa ee gobolka banaadir
Ehelada Marxuumka ayaa xaqiijiyay dilkan, waxayna sheegeen ilaa hadda lasoo qaban koxdii dilka ka dambeysay oo la shegay in ay ahaayeen burcad dhac ka geysaneysay xafadaha hilwaa
Si kastaba malmihii danbe waxaa jirtay hwareer dhanka amniga ah oo ka taagan Magaalada Muqdisho,

