wasiirka amniga soomaliya oo dagaalka al shabab kala hadlay atmis.

0
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.
Wasiirka iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo la dagaallanka  al shabab, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala warqaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan al shabab.
General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa  al shabab diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here