Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka seepiyaano ka dhacay banaanbax ballaaran oo laga soo horjeedo in shacabka dagan xafada damdamiska ay ka guraan halkaasi
Boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb-galay banaanbaxan oo sidoo kale muujinayay sida looga horjeedo
Go,aanka taliska ciidanka boliska soomaliyeed.
Waxaana shacabku baaq u direen dowlada madaxweyne xasan shiikh oo ku aadan in laga laabto talaabada Ciidanka booliska soomaliyeed ay ku doonayaan in ay shacabka ka kiciyaan xafada damdamiska oo ka mid ah goobaha danta guud
Marar badan oo horey taliska ayaa soo saaray digniino hayeshee go,aankaan ayaa u muuqdo mid la doonayo in laga raro shacabka xaafadaasi.

