Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Markii 3-aad u Fariisanaysa kiiska Sayid Cali

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo arbaco ah u fadhiisanaysa dhageysigii 3-aad kiiska Sayid Cali Macalin Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa Luul Abdiaziz Maxamed taasi oo bil ka hor ku geeriyootay isbitaalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho.

 

Labadii dhageysi ee Maxkamadda sameysay ayaa la horkeenay marqaatiyaal cadeeyay in sayid Cali banaanka kasoo gatay basaasiin uu ku gubay guriga iyo xaaskiisa,halka sayid cali uu sheegay in ujeedkiisa uusan aheyn in xaaskiisa uu gubo balse uu doonayay in qolka jiifkiisa  gubo madaama xaaskiisa ay ku dhahday I fur waxaan guursanayaa nin kale.

 

Xeer ilaalinta ayaa ku dooday labadi fadhi ee la qabtay in ay cad yihiin in sayid cali uu gubay xaaskiisa islamarkaana loo baahan yahay in xukun dil ah lagu rido.

 

Dhanka kale qareenada u doodaya Sayid Cali ayaa qaba in marqaatiyaasha Maxkamadda la horkeenay aan lagu kalsoonan Karin,loona baahan yahay cadeymo dheeraad ah.

 

Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  ayaa sheegay in qof walba oo la dulmiyo uu dowladda ka heli doono cadaaladd.

 

Lama oga waxa uu noqon doono go’aanka Maxkamadda Gobolka banaadir ee ku aadan kiiskaan,waxaaana Eheladda Gabadha ay doonayaan in sayid xukun dil ah lagu rido.

 

.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here