Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday olole ay ku dooneyso in wasiirkeedii hore ee arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay noqoto guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC) ee soo socda, taasoo tartan la gali doonta hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, iyadoo lasoo shaqeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan u hayaa jacayl qoto dheer iyo rabitaan xooggan oo ah inaan ka qayb qaato horumarka Afrika,” ayay u sheegtay wargeyska the Nation.
“Anigoo u tartamaya guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaan hiigsanayaa inaan xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika oo aan ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa qaarad midaysan oo isku-dhafan.” ayay hadalkeeda ku dartay.
Daa’uud Aweis, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa mar sii horeysay tilmaamay in Dowladdu ay taageeri doonto Musharax Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

