Shirkadda Qatar Airways oo Ka Hadashay Shil ay ku Gali Rabtay Hawada Soomaaliya

0

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa Axadii ka badbaaday shil ay hawada ku wada gali lahaayeen diyaaradda Itoobiya Airline.

 

Maxamed Al-Sheiban oo ah duuliyaha diyaaradda Qatar Airways, ayaa xaqiijiyay sida diyaaradda Qatar Airways ay uga badbaaday shilkaas, isagoo sheegay in shaqaalaha diyaaraddu ay maareeyeen khatarta uga imaan lahayd diyaaradda ay leedahay Itoobiya, sababo la xiriira qalad dhinaca hagista hawada ah oo ka dhacay Soomaaliya.

 

Duuliye Al Shiban ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X” ku sheegay in nidaamka TCAS ee lagula socda waxa ka dhacaya agagaarka diyaaradda, uu digniin deg deg ah kasoo saaray gudaha qolka diyaaradda Qatar.

 

Digniintaas ayaa ku wargalisay duuliyaha inuu diyaarada kuwado joog hoose si looga fogaado suurtagalnimada inay isku dhacaan diyaaradda Itoobiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here