Baaris uu si madaxbannaan Isbitaalka Guud ee Hargaysa ugu sameeyay maydka Cabdinaadir Muuse Dahable, oo dhawaan lagu dilay Muqdisho, ayaa lagu ogaaday in jidh dil loo gaystay markii la dilayay.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka D.R. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyin aad u badan loo gaystay Dahable, isla markaana ceejo nafta lagaga qaaday.
“Baadhitaan qaatay 48 saacadood waxaanu ku ogaanay natiijadan hoos ku xusan, in lagu ceejiyay xadhig ay dhumucdiisu wayntahay, kaasi oo qoortiisa lagu hayay 5 ilaa 7 daqiiqo, in daanka midig uu jabanyahay, xaniinta bidixna ay qaraxday, isha bidixna way burbursantahay gabi ahaanba” ayuu yidhi Agaasime Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.
Waxa kale oo uu sheegay in nabaro badani ay ka muuqdaan jidhka Dahable, taasi oo uu sheegay in ay muujinayso in uu isdifaacayay kahor intii aanu geeriyoonin, waxa uu sheegay in carabka iyo ilku ay is galeen, taasi oo muujinaysa in uu dagaalamayay.

