Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayo heshiiskii dhawaan ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee la xariiray iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha.
Dibad baxaan oo ay soo agaasintay dowladda Fedaraalka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale oo aad u badan oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta ka qeyb gashay banaanbaxa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ku xigeenadiisa, xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Wasiirro iyo masuuliyiin kale.

