Nabadoon Muuse Maquuni oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

 

Nabadoonka lagu dilay Deyniile ayaa lagu magacaabi jiray Muuse Haarun Aadan oo loo yaqiinay Muuse Maquuni, waxaana dilkiisa geystay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan.

 

Dableyda hubeysan ee dilka u geysatay Nabadoon Muuse Maquuni ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen Marxuumka, waxaana dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Nabadsugida ka howlgasha degmada Dayniile.

 

Alle ha u naxariiste Nabadoonkaan la dilay ayaa horay uga badbaaday isku day dila ahaa, kadib markii rasaas lagu furay ay kasoo gaartay dhaawac uu markii dambe uu ka bogsaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here