Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta shaacisay iney gacanta kusoo dhigtay koox ay sheegtay in dadka shacabka ah ku cabsi galin jirtay baraha Bulshada ee Internetka.
War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in xayiraad la saaray Group-yo lambaro gaaraya 2,500, islamarkaana laga mamnuucay gabi ahaan iney isticmaalaan adeega ku hadalka OTT ee WhtasApp iyo wixii la mid ah.

