Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu qabto kulan degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha xaaladda Geeska Afrika.
Kulankan ayaa daba socda xiisadaha sii kordhaya ee ka dhashay heshiiska dowladda Ethiopia ay la gashay maamulka Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Ethiopia inay ku xad-gudubtayy madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo khatar ku ah sida ay Soomaaliya sheegtay xasiloonida gobolka geeska Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhawaan golaha ammaanka ugu baaqay inay kulan ka yeeshaan oo ay ka hor yimaadaan xad gudubka Ethiopia ku sameysay madax bannaanida jamhuuriyadda Soomaaliya.

