Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus oo maanta ka dhacay Koonfurta Mudug lagu dilay Abaanduulahii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo hoggaaminaayay ciidamada huwanta.
Dagaalka lagu dilay Abaanduulaha ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen goob la sheegay iney isku aruursanayeen kooxda Shabaab oo ku taala duuleedka magaalada Caad.

