Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga Amniga Doorashada.

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Amniga Doorashada.

 

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiis 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:-

  1. Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)
  2. Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab (Xubin)
  3. S/guuto Muumin Cabdi Shire (Xubin)
  4. S/guuto Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)
  5. S/guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)
  6. S/guuto Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)
  7. S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse (Xubin)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here