Wararka imaanaya koonfurta Gobolka mudug ayaa sheegaya inay Al-shabaab ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen agga Deegaanada Dumaaye iyo Dabaglo ee koonfurta Gobolka mudug
Al-shabaab ayaa fasaxay qaar ka tirsan Maxaabiis Badan oo ay haysteen ka dib Culays kaga yimid Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug, sida Dowladda Soomaaliya sheegtay.
Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug ayaa xalay lagu soo Bandhigay 6 ka mid ahaa Maxaabiistii Al-shabaab ka carareen kuwaas oo ka mid ahaa 11 Qof shacab ahaa shabaabka 2021 ka Afduubteen Miyiga Degmada Wisil.





