Faahfaahino Kasoo Baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Jilib

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn Xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taasoo la sheegay iney fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn.

 

 

Ila wareedyo ku sugan gudaha degmada Jilib ayaa warbaahinta u sheegay in marqura ay maqleen fiidnimadii hore ee xalay dhawaqa laba jug oo aad u xoogan.

 

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya duqeynta ayaa sheegaya in diyaarada aan duuliyaha laheyn laba gantaal ay la beegsatay guri ku yaala magaalada Jilib oo la sheegay iney ku sugnayeen xubno sar sare oo ka mid ah kooxda Al Shabaab.

 

Lama oga khaasaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaan xalay ay fulisay diyaarada aan duuliyaha laheyn, hayeshee wararka hoose ee soo baxaya ayaa tilmaamaya iney jirto khasaare duqeyntaasi kasoo gaartay kooxda Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here