Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan ayaa ka dhacay Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka gaar ahaan Isgosyka Labadda Dhagax.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qarax miino nooca dhajiska ayaa lagu dhajiyay isbitaal lagu magacaabo huda oo ku yaala Xaafada Laba dhagax Degmada Warta-nabadda.
Ilaa haatan si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Degmadda Warta-nabadda waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamadda amaanka Dowlada Soomaaliya.
Al-shaabab ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe qaraxyadda ay ku xiraan goobaha lagu dhajiyay Camerooyinka CC-TV kuwaasi oo Dowladda sheegtay in amniga lagu xaqiijinaayo.
Waa qaraxii seddexaad ay Al-shabaab ku xiraan goobaha lagu dhajiyay Camerooyinka CCTV ee amniga lagu xaqiijinaayo.

