Faah-faahin;-Dab Khasaare Geystay oo Ka Kacay Suuqa Xamar Weyne

0

Khasaare hantiyadeed ayaa ka dhashay Dab xalay ka kacay Suuqa Xamar weyne ee Magaaladda Mogadisho.

 

Dabka ayaa si gaar ah kaga kacay ganacsiyo ku yaala qeybta Masjidka Marwaaz, waxaana uuna ku fiday meelo kamid ah suuqa Dahablaha iyo kawaanka Hilibka,isla degmadda Xamar Weyne.

 

Waxaa gubtay inta badan alaabihii yaalay qeybaha gubatay oo u badnaa carwooyin dharka lagu iibiyo iyo Electronics,waxaana lagu guuldareystay in si dhaqsi loo damiyo dabka.

 

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanayo dadka shacabka ah ayaa saacado kadib ku guuleystay  daminta dabka ka kacay suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

 

Qaar kamid ah dadkii ganacsiyadda ku lahaa goobaha gubtay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadaal badan ay sameeyeen si hantidooda u badbaadsadaan,balse dabka uu ahaa mid si xoogan ku bilowday ayna adkaatay in gudaha loo galo goobaha gubanayay.

 

Dhanka kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in lala xisaabtami doono shirkadaha Korontadda bixiya ee sababta u ahaa in ay gubtaan goobaha ganacsi ee Suuqa Xamar Weyne.

 

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaaladda muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale madaale ayaa sheegay in tani aan la aqbali Karin,islamarkaana isla xisaabtan uu jiri doono.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Guddi loo saari doono khasaaraha ka dhashay Dabka iyo Ganacstadda ku hanti beeshay,ayna u gurman doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata  Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayuu ku baaqay in la helo wadooyin loo maro suuqyadda xiliyadda ay dhacaan musiibooyinka sida dabka oo kale.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaala Magaaladda kuwaasi oo intooda badan sababa korontooyinka shirkadaha magaalada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here