Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay deegaanka Kheyletsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town.
Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Xasan Maxamuud, kaasoo u geeriyooday rasaas burcada kala dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas, kuwaas oo goobta ka samewyay baaritaano aanan kasoo bixin wax natiijo ah.
Bishaan Novembar gudaheeda ayaa waxaa la xaqiijiyay in dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ku dhawaad 15 Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay.

