Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay Go’aanka uu qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ee ku aadan in uu diyaar u yahay wada-hadal uu la galo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu khilaaf kala dhaxeeyo.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaalia Catriona Laing, waxa ay booqatey Puntland, halkaas oo ay kula kulantey hoggaanka, hawl-wadeennada siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah ee Puntland.
Arrimihii laga wada munaaqashoodey waxaa ka mid ahaa xiriirka Puntland kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhibaatooyinka Laascaanood ka jira, iyo doorashooyinka.
Ms. Laing ayaa Madaxweynaha ku dhiirrigelisey in uu ballaariyo wadatashiyadda keliya gaarsiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, odeyaasha iyo isimada qabaa’ilka, ee uu sidoo kale gaarsiiyo dadka kale ee ay khuseyso – dhallinyarada, haweenka iyo culimada.
“Iyada oo ay socdaan dadaallada nabadeynta iyo qaran-dhisidda ee ay Soomaaliya waddo, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM iyo Madaxweyne Deni waxaa ay ka wada munaaqashoodeen xiriirka u dhexeeya Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda Federaalka ah”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Qaramada midoobay.
“Bishii Maajo ee sanadkan, xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaranka / the National Consultative Council (NCC) – marka laga reebo Puntland – ayaa waxaa ay soo saareen war-murtiyeed iyo heshiis cusub oo diiradda lagu saarey dimuqraadiyeynta. Kulankaa iyo kii ka horreeyey ee ay NCC yeelatey bishii Maarso, ayaa Madaxweynaha Puntland ee Deni uusan ka-qaybgelin.
Qaramadda Midoobay ayaa soo dhaweysay go’aanka uu qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni ee ku aadan in uu diyaar u yahay wada-hadal uu la galo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu khilaaf kala dhaxeeyo muddo ku dhow laba sano.
“Waxaan ku farxay in aan maqley in Madaxweynaha [Deni] uu diyaar u yahay una ahaa in uu la hadlo Madaxweynaha [Xasan Sheekh Maxamuud] oo dhab ahaantiina si weyn uga fekerayo nooca arrimaha ay tahay in la soo dhigo miiska si loo hubiyo in aaraa’da ay qabto Puntland aaney meesha ka maqnaan,” ayaa ay tiri Sarkaalka QM.

