Isimada Puntland oo Bayaan Kasoo Saaray Muranka Ka Taagan Doorashada Puntland

0

28 madax dhaqameed oo katirsan Isimada  Puntland, kuwaas oo maalmahan uu shir uga socday magaalada Garowe, ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in doorashada aysan dib uga dhicin karin waqtigeedii 8 January 2024.

 

Isimadu waxay waxay sheegeen in baarlamaanka Puntland lagusoo xulo sidii horey loogusoo xuli jiray ee hab-beeleedka, iyagoo tilmaamay waqtiga u harsan madaxweyne Deni in aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

 

Isimadu waxay kaloo madaxweynaha Puntland ugu baaqeen inuu si degdeg ah usoo saaro lifaaqii doorashada, uuna magacaabo guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xalinta khilaafaadka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here