Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax oo la waayay sanadkii 2021-kii.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin (Fiqi) oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in kiiska Ikraan Tahliil uu dhacay xiligii dowladii hore dalka maamulaysay,islamarkaana dhankooda ay dhowr jeer ka hadleen.
Waxa uu sheegay in Qoyska Ikraan ay awood u leeyihiin in dacwado ka furtaan Maxkamadaha dalka,islamarkaana ay soo eedeeyeen dadkii ka dambeeyay gabadhooda dilkeeda.
Dabayaaqadii bishii June sanadkii 2021 ayaa markii ugu horreysay la sheegay in la waayay Ikraan Tahliil Faarax, kaddib waxaa socday baaritaan ay wadday dowladda Soomaaliya.
Qeylodhaan ku aaddan halka ay gabadhan ku maqan tahay iyo waxa ku dhacay ayaa qabsaday baraha bulshada.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa war ay soo saartay bishii September isla sanadkaas, waxay ku sheegtay in baaritaan ay ku hayeen kiiska Ikraan oo ahayd qaybta dambi baarista internet-ka, ay ku ogaadeen in “ay dileen al-Shabaab,balse Al-shabaab waa iska fogeeyeen kiiska Ikraan.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin (Fiqi), ayaa ka hadlay go’aanka dowladda ku aqoonsatay maamulka SSC Khaatumo,isbadalka ku imaan kara wada-hadalka Somaliya iyo Somaliland.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya,islamarkaana maamul gooni u taagan loogu aqoonsaday waxyaalo ay tirsanayeen oo gabool falo loo geystay kamid ah,balse ay hoos yimaadaan Dowladda Somaaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay in Somaliland dhibaatooyin u geysatay shacabka Magaaladda Laascaanood,taasina ay keentay in shacabka SSC Midoobaan ayna dowladda sidaas ku aqoonsatay.
Wuxuu iska fogeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragalin ku sameysay xaaladii ka taagneyd Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

