Wiil yar oo kow iyo toban jir ah, ayaa fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, sida lagu caddeeyay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay maamulka isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.
Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay, Cabdinaasir Yuusuf Jihaad, ayaa maalintii shalay ahayd isagoo mayd ah waxaa la geeyay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo.
Maamulka isbitaalku wuxuu sheegay inay dhuuntiisa ka muuqatay calaamado ku saabsan in xarig lagu ceejiyay.
Waxay kaloo caddeeyeen in kufsi loo geystay, islamarkaana ay jiraan calaamado waawayn oo arrintaas muujinayay markii la baaray.

