Ciidamadda Nisa oo Xiray Abwaankii Labaad oo Taageeray Al-shabaabnimo

0

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto, kaas oo baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo Al-shabaab iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Sida la xaqiijiyay Ciidamadda NISA ayaa abwaankaan ka xiray goob lagu caweeyo,waxaana haatan ku socda baaritaano lagu ogaanayo waxa ku qasbay in baraha bulshadda ka taageera Al-shabaab,dowladdana ku dhaleeceeyo.

 

Maxamuud oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta, waxaana uu noqonayaa qofkii labaad ee dhallinyaradaas ah lala xiriiriyay fikirka Al-shabaab.

 

Lixsaac ka hor wuxuu bartiisa Facebook kusoo qoray qoraalo lagu dhaleeceynayay Ciidamadda Tababarka kusoo dhameystay Dalka Ereteriya,kuwaasi oo dhawaan dalka dib loogu soo celiyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-shabaab ay ugu dambeyn dalka qabsan doonaan, markii ay fashilanto dowladda haatan shaqeynaysa.

 

“Ciidamada Ereteriya la ga soo daabulayaa waxba ma soo kordhin doonaan. Sidii kuwii hore ayuun baa dabka la gu shubayaa. Xasan Sheekh waa naflacaari, timihiina waa ay ku baxeen oo hoofil buu yeeshay. Wax uu dirayaa farriin ah ‘way i ga dhan tahay ee miyaan is dhiibnaa mise nafta ayaan wada dul dhignaa?” Loo ma se jawaabin. Ciidamada ATMIS dhowaan way baxayaan, marka ay baxaanna Soomaaliya isbeddel weyn oo dhulgariir ah baa ka dhici doona,” ayuu Jeesto yiri maalin ka hor.

 

“Shaqo ayaan ku jiray ee waa maxay duulkan xiiqsan ee i gu soo rawaxay? Sowtan caasimadihii la foolxumeeyay,” ayuu soo qoray lix saac ka hor oo ku began markii ay NISA ka qabatay gudaha Muqdisho.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday AS oo uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay buugg uu qoray.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here