Xubno Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Dilay Shabeelaha Hoose

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysanaa oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay Xalay ka sameeyeen deegaanka Garilow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Garilow ayaa la sheegay in ciidamada ay ku dileen laba xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto  ay wateen xubnaha howlgalka la dilay, isagoona xusay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here