Kamaal Aba Sheekh oo ah Aabaha dhalay Sakariye Kamaal Aba Sheikh oo ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya inuu fududeyn jiray hubka iyo qalabka kale ee milatari ee kooxda Al-Shabaab dibada ka soo iibsato ayaa ka hadlay waxyaabaha ka jira eedaha lagu haysto wiilkiisa.
Sakariya Kamaal Aba Sheekh oo hay’adda NISA dhawaan sheegtay iney gacanta kusoo dhigtay isaga oo ku dhuumaaleysana gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa arintaasi beeniyay Aabahiis Kamaal Aba Shekh, kaasoo sheegay in wiilkiisa laga afduubtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
“Wiilkeyga waxaa laga qalaafashay magaalada Mombasa, waxaan hayna cadeymaha ku aadan marka la afduubanaayay, waxa lagu eedeynayana waxba kama jiraan oo wiilkeyga waxaas shaqo kuma lahan waxaana doonaya inaan cadaalad u helo wiilkeyga” ayuu yiri Kamaal Aba Sheekh.

