Qarax Lagu Weeraray Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyo Xildhibaano

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in  Al-Shabaab ay weerar culus ku qaaday deegaan ay ku sugnaayeen madaxda Galmudug iyo xildhibaano heer federaal ah.

 

Weerarka oo Al-Shabaab ay u adeegsatay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu watay qof naftii halige ah waxa uu si gaar ah uga dhacay Deegaanka Laas gacamey oo hoostava degmada Wisil 7 KM-na u jira deegaanka Bacaadweyn.

 

Deegaankan waxaa ku sugnaa madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor, Senator Dhabancad, Senator Cabdi Qeybdiid, Liibaan Shuluq iyo saraakiil kale oo ciidan.

 

Waxaa jiro khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkan, wararka ayaa intaasi kusii darayaan in Senator Cabdi Qeybdiid uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here