Madaxweynaha Galmudug oo Bilad Geesinimo Gudoonsiiyay Askartii Badbaadisay

0
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye wuxuu heerka ugu sarreysa ee billadgeesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.
Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.
Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here