Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 6-sargaal oo ka tirsan waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Saraakiishaan ayaa ku eedeysan kiisas musuq-maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne, sameynta Documents been Abuur, qaadasho laaluush iyo ku takri-fal awoodda xafiisyo dowladeed, sida ku cad warqadda magacyadooda loogu gudbiyey maxkamadda.


