Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Khilaafkaan ayaa soo shaac baxay maalintii shalay aheyd kadib markii Golihii deegaanka Degmadda Cabud-waaq ay kala direen Gudoomiyihii Golaha iyo ku-xigeenkiisa,ayna dalbadeen in xubno cusub lasoo magacaabo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa soo dhaweeyay talaabadda ay qaadeen Golaha Deegaanka,balse waxaa arintaas faragaliyay wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Waayeel oo sharcidaro ku tilmaamay kala dirida Golaha deegaanka Degmadda Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo qoraal soo saaray ayaa shaqi joojin ku sameeyay wasiirka,wuxuuna ku eedeeyay in uu hortaagan yahay dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).
“Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa caddeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska beddalin sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ka jawaabayay go’aanka Madaxweynaha galmudug ayaa ku tilmaamay go’aan baalmarsan Dastuurka Galmudug Shaqo ka joojinta Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Galmudug waa dhaqan gal ayaa lagu yiri qoraalka.
“Sidoo kale Xil kaqadistii Golaha Deegaanka Caabudwaaq ay ku sameyeen Gudomiyihii hore iyo ku-xigeenkiisa ayadana waa dhaqangal waxaana Gudiga Doorashada farayaa in Doorasho Xor iyo Xalaal ah la qabto.
“Waxaan faraya Hay,adaha kala duwan ee la shaqeeya Wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug in aysan la macaamilin Wasiirki hore ee Shaqada laga joojiyay hay,adii la macaamishana in Tilaabo Sharci ah laga qaadi doono.
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo wareysi bixiyay ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qooroor), inuu ku howlan yahay fashilinta dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Alshabaab.
Waxa uu sheegay, in wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo uu shaqo joojin uu ku sameeyay, iyo madaxweyne Qoorqoor inay ka midaysan yihiin xagal daacinta dadaalada madaxweyne Xasan Sheikh uu ugu jiro in Shabaabka laga saaro Galmudug.
Cali Daahir Ciid wuxuu sheegay dagaalka Alshabaab in aan laga raadin karin wax siyaasad ah. Wuxuu sheegay in uu u adkaysan waayay sida uu hadalka u dhigay, markii uu arkay in wasiirka arrimaha guduhu faraha kula jiro arrimo kasoo horjeedo dagaalka kooxda Alshabaab.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi waayeel oo ku eedeeyay madaxwayne kuxigeenka Cali Ciid shakhsi dhibaato ku ah horumarka Galmudug, isagoo sheegay in aanu wax sharci ah u lahayn xil ka qaadista xubnaha golaha wasiirada Galmudug.
Waa markii ugu horraysay oo uu bannaanka usoo baxo khilaaf ka dhaxeeya masuuliyiinta Galmudug, kaddib saddex sano iyo bar oo ay wada shaqaynayeen tan iyo markii loo dhaariyay xilka Galmudug.
Maalmo ka hor madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ka guuray magaalada Dhuusomareeb oo ahayd taliska laga hagayay howlgallada Shabaab looga xoraynayo Galmudug. Madaxweynaha ayaa u guuray gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas.

