Weerar Lagu Qaaday Xarunta Degmadda Heliwaa, iyo Sarkaal Lagu Dilay Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal dhexmaray Ciidamadda Dowladda iyo rag kan Tirsan Al-shabaab  iyo sarkaal ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya oo xalay lagu dilay Magaaladda Muqdisho.

 

Ragg hubeysnaa ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday Xarunta Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka banaadir,waxaana halkaas ka dhacay dagaal daqiiqo socday oo dhexmaray Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ragii weerarka soo qaaday.

 

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, hubka labada dhinac ay isweedaarsanayeen ayaa cabsi badan ku abuuray shacabka ku dhaqan Degmadda Heliwaa ee Magaalada muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in qorshaha sabanka iyo baasuukaha lagu garaacay Xarunta Degmadda Heliwaa ee Magaaladda Muqdisho,balse lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Xarunta Degmadda Heliwaa ee Magaaladda muqdisho.

 

Dhanka kale rag hubeysnaa ayaa xalay Degmadda Deyniile ee gobolka banaadir waxa ay ku dileen laba xidigle ka Tirsnaaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

 

Laba xidiglaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mowliid,waxaana la sheegay in raga hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen dilka kadib.

 

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka iyo dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho,waxayna sheegeen in sidii loo qorsheeyay loo fuliyay howlgaladda dhacay.

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo weerarka Xarunta Degmadda Heliwaa, iyo dilka sarkaalka ka tirsanaa Dowladda Soomaalia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here