Somaliland oo Ku Hanjabtay in ay Qabsanayso Gobolka Sool

0

Wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa maanta ciidamo cusub oo tababar soo dhamaystay kusoo dhaweeyay taliska ciidamada Somaliland ee Oog.

 

Taliyaha Guud ee Millateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ciidmadan oo kasoo baxay dugsiga tababbarka ee Sheekh, ay ciidanka kala qaybqaadan doonaan hawlgal adag.

“Dhallinyaro ayaadtihiin xoogiinu wuu dhanyahay, in aad hawlgal adag ciidanka la gashaan oo aad diyaar garowdan ayaan doonayaa, waxan rajaynayaa kuwii guul keena maalinta maalinteedana meel aan ku faraxno gaadhsiiya, aniguna intaa waan idinla soconaya” ayuu yiri Taani.

Dhamaan masuuliyiinta kale ee goobta ku sugnaa ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ciidamadani ay yihiin xoog cusub oo kusoo biiray ciidamada millateriga, wax badana laga rajaynayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here