Nisa oo Burburisay Maxkamadii Al-shabaab ee Jambaluul ee Shabeellada Hoose

0

Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellada hoose ku burburiyey Maxkamadii Al-shabaab ee deegaankaas.

Sidoo kale waxaa ay burburiyeen goob ay lacagaha ah uga qaadayeen dadka  shacabka ah.

Ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday gacanta ku dhigay ilaa 5 Mooto oo Al-shabaab u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka iyo jid gooyada ay ku baadayeen dadka, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda Nisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here