Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowladda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiintan Internetka ee bixiya adeegyada Baraha Bulshada Tiktok, Telegram iyo 1XBET inay joojiyaan adeegyadan muddo afar cisho ah.
Arrintan ayaa la go’aamiyay kaddib Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.



