Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay isbaaro siyaasadeed u dhigatay mashaariicda horumarineed iyo deeqaha caalamiga ah ee magaca Soomaaliyeed lagu bixiyo.
Wasiirka maaaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Garowe, wax yar kaddib markii golaha wasiirrada Puntland ay ku dhawaaqeen golaha horumarinta dhaqaalaha Puntland.
Wasiir Maxamed Dhabancad waxa uu ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya, in ay hub ku iibsanayo dhaqaalaha loogu talo galay in ummadda Soomaaliyeed wax loogu qabto.
“Meeshii la rabay Dowladda federalku in ay noqoto hannaan wax fududaynaya, waxaa muuqata inay caqabado ka imaanayaan. Taasna waxay dhibaato ku tahay dowlad goboleedyada, kuwaas oo 90% gacanta ku haya masuuliyada dowliga ah ee adeeg bixinta,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

