Dowladda Soomaaliya oo Howlgal ku Burburisay Saldhig Qaraxyo Lagu Diyaarinayay

0

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay aroornimadii hore ee saakay deegaanka Mukayle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Mukayle lagu beegsaday Garaash wayn oo ku yaala gudaha deegaankaas oo la tilmaamay in shabaab ay ku diyaariyeen qaraxyada.

“Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Al-shabaab ku rakibeen Qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed,goobtaas waxaa ku halaagsamay dagaalyahano fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta Qaraxyada

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay iney jiraan khasaaro kale oo gaaray Al-shabaab, islamarkaana dowladda ay dib kasoo gudbin doonto khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here