Xubno Ka Tirsan Al-shabaab oo Saakay Weeraray Saldhig Ku Yaala Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xubno ka Tirsan Al-shabaab oo saakay weerar ku qaaday Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saldhig ku leh halka loo yaqaano Saraha Ceymiska Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Sida naloo xaqiijiyay dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa ku qaaday askarta ku sugneyd Saraha Xaaafada Ceymiska,waxaana la maqlay hub culus oo labada dhinac isdhaafsadeen.

Xubnaha Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarka kadib ay goobta ka baxsadeen,islamarkaana goobta ay wali ku sugan yihiin Ciidamdada Dowldda Soomaaliya oo iska caabiyay Dagaalyahanadda Shabaab ka tirsan.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka saakay ka dhacay Xaafadda Ceymiska Degmadda Yaaqshid.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa haatan bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay weerarkaan lagu soo qaaday saldhigooda ku yaala Xaafada Ceymiska Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale qarax geystay  khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Xalay xaafada Suuqa xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay Qaraxaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo S Company oo ka tirsan Xaafada Suuqa Xoolaha.

Goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa lala damacsana Gaari ay leeyihiin Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya oo halkaas marayey.

Hase ahaatee qaraxa ayaa dhacay markii gaariga uu gudbay waxaana dadka Shacab ah oo Khasaaruhu soo gaaray ay la socdeen Mooto Bajaaj.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here