Aadan Madoobe oo Kulan La Qaatay Ku-xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya.

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.
Ku-xigeenka QM ayaa Guddoomiyaha ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.
Dhanka kale waxay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada. Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here