Muuse Biixi oo Ka Hadlay Jamhadda Loogu Dhawaaqay Buurta Gacan Libaax.

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasabad ayaa walwal waxa uu ka muujiyey kacdoonka ka dhanka ah maamulkiisa ee ka soo baxay Buurta Gacan Libaax.

Balse, Biixi waxa uu hoos u dhigay khatarta ka iman karta jabhaddaasi, isagoo sheegay in aanay shacabka Somaliland danaynayn inay colaad dhexmarto.

Madaxweyne Biixi waxa uu carabka ku dhuftay in la buunbuuniyay in maleeshiyaadkaasi ay baraha bulshada ku sheegaan in ay khatar weyn ku yihiin.

Waxa uu ku tilmaamay ficiladooda in ay sabab u tahay loolan siyaasadeed oo caadi ah oo inta badan ka dhasha xilliga doorashada, isaga oo shacabka u xaqiijiyay in xaaladdu aysan ahayn sida la sheegay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here